Waxay ahayd abaaro 9:00 kii habeennimo, sidey caadadeydu ahayd, waxan u caraabayey dhinaca gurgigeyga.
Marrin aan sidaa uga fogeyn gurigeyga, waxaa hal mar mudh ka soo yidhi gabadh qaylo, baroor iyo oohin miciinsatey, taasoo erayada uur kutaalada ah ee dabnaheega kasoo burqanayey ee dhagahayga ku soo dhacayey ay ka mid ahaayeen, ‘Mobile kaygii ayay la carareen’, ‘Alla dhiiga i qabta’, ‘Alla isoo qabta, boorsada lacag ayaa iigu jirtey'e’!
Waxaa markiiba goobta kusoo xoomey dumar, caruur iyo wayeel kusoo baxey qaylada gabadhan madawga habeenku u weheliyo dhac iyo dhaawac aan lagaraneyn cid loo raaco.
Gabadhan diifta, jidh-dilka iyo dhaawacu ka muuqdo oo ahayd mid kamida muruq maalka ka xoogsatada suuqyada magaalada Hargeysa oo kasoo guryo noqotey xoogsigii maalinle ee ay ku dabooleysey baahiyaheeda nololeed oo ay dhalinyaro aad moodo duul oomani dhexda ka heleen, ayaa loo qaadey goob cafimaad si loola tacaalo dhaawaca ay Tuugtu u geysteen oo ay Faash kaga dhufteen gacanta midig.
Tani waa mid kamida dhacdooyin budhcadnimo oo muddooyinkan dambe ku soo badanaayay magaalada Hargeysa oo ay caadaysteen dhalinyaro u banbaxay tuuganimo oo ay dhac, dhaawac, boob iyo falal kala duwan u geystaan bulshada, oo noloshii qofku ay kala qiimo badnaatey tilifoonka gacanta lagu qaato (Mobile phones).
Haddaba, marka aad dhacdadan oo kale la kulanto ama aad daraasad ku samayso falalka tuuganimo, waxaad isweydiinaysaa;
Imisaa meel madaw lagu heley oo dhaawac iyo dhac loo geystey, imisaa hadhka cad suuqyada lagaga qaatey tilifoonadoodii.
Imisaa dhakhtarada iyo guryaha u jiifa jidh-dilkii iyo dhaawacii tuugtu u geysteen oo aann raad raac laga heyn dambiilaha falkaa gaystey.
Imisaa ku naafoobey jugtii iyo dhawicii ay tuugta wax baadhataa u geysteen oon helin garab, ciirsi iyo caddaalad u baadi doonta danbiliihi galaaftey.
Imisaa maanta god ugu jira una geeriyoodey nabarro halis ah oo tuugta wax baadhaataa u geysteen oo aan laga warqabin.
Ugu danbeyn, dhacdooyinka noocaas ah oo kusoo badanaya maalinba maalinta ka danbeysa caasimada Hargeysa, ayaan wali xal waara oo ay ku diirsadaan dadweynuhu laga soo saarin; taas oo horseedey korodhka dhibanaha qarsoon ee la ildaran falalka waxashnimo ee ay u geystaan tuugta ku bahawday falalka noocan ah..
Qalinkii Axmed Maxamed Axmed (Axmed Omaar)
Hargeysa, Somaliland
0 Comments