Subscribe Us

#

Halista COVID 19 iyo Mooganaanta Dabaaldegga Ciidda! – Qalinkii Axmed Omaar




Macalin Axmed Omaar

 Cudurkan lamagac baxay COVID-19 ee uu dhaliyo caabuqa coronavirus oo loo aqoonsaday masiibo saf mar ah oo dunida oo dhami la kacaa kufayso xakameyntiisa, ayaan wali ilaa imika wax daawo ah loo helin; marka laga reebo dedaallo ka hortag ah oo lagu xakamaynayo faafida xanuunkan aafeeyey dunida.

Bilihii u danbeeyey, dawladdo badan oo caalamka ka mid ah ayaa qaadey talaabooyin  ay bulshadooda ku qasbeen iney gabi ahaanba ku xayirnaadaan guryahooda muddo cayiman isla markaana ay joojiyeen macaamillaadkii dhanka Ganacsi iyo isu socodka bulshada wadamada xanuunkani sida ba’an u asiibey; si loo yareeyo faafida xanuunkan dunida ku cusub.

Haddaba, dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan la itaal ahayn dawladaha horumarka iyo dhaqaaluhu u saamaxay iney bulshadooda ku xayiraan guryahooda; ayaan yareysan dedaalo wacyi galineed oo lagu xakameynayo xanuunkan maalinba maalinta ka danbeysa ay soo if baxayaan xaalado hor leh oo kusoo badanaya gobolada kala duwan ee Somaliland.

Horaa loo yidhi wadhaf iyo shimbiro war iskuma hayaane, shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaan wali u bislaan halista caabuqa coronavirus iyo xawaaraha uu ku aafeynayo bulsho kasta oo ka dhago adeygta fariimaha qaylo dhaanta ee bahda caafimaadka iyo xukuumadoodu la garab taagan tahay.

Iyadoo tirada xaaladaha dhimashada ee uu galaaftey caabuqa coronavirus isa soo tarayo, ayaan wali wax lataaban karo iska badalin suuqyada ganacsi ee magalaada Hargeysa, dadkuna ay ku xoonsan yihiin  iibsiga dharka ciidda ay ugu diyaar garoobayaan farxadda damaashaadka Ciid-Al-Fitriga ee fooda inagu soo haysa.

Haddii sidii caadiga ahayd loo ciiddo, waxaa hubaal ah faafida xanuunkani inuu xadhkaha goosan doono inoona horseedi kara naf la carar iyo  masiibo la mid ha wadamada bukaankii uu xanuunkani soo ritey u waayey sariiro qaada, maydadkii buux dhaafiyeen xabaalihii, halka shaqaalihii caafimaadkuna la daalaa dhacayaan  la tacaalida bukaanka uu soo ritey xanuunkan maarada loo waayey. Alle SWC ha inaga xijaabo aafadiisee.

Xalku  muxuu ku jiraa

Belaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh. Waa in foojignaanta iyo xakameynta faafida xanuunkan mudnaanta kowaaad la siiyaa.

Haddaba waxaa lama dhaafaan ah in;

  1. Xukuumadda iyo Guddida ka hortagga COVID -19, ay xoojiyaan foojignaanta iyo yareynta saxmadda suuqyada ay ku xoonsan yihiin bulshada isu diyaarineysa debaal dega ciidda.
  2. In loo hogaan samo talaabo kasta oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada
  3. Maalinta Ciidda waxa lagama maarmaan ah in lagu tukado guryaha.
  4. In gabi ahaanba la joojiyo goobaha bulshadu ku kulanto maalmaha ciidda sida maqaaxiyaha, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto iyo goobaha kala duwan ee dhalintu ku caweyso.
  5. In farxadda ciidda lagu dabaaldego guryaha.

Qalinkii Axmed Maxamed Axmed (Axmed Omaar)

Hargeysa, Somaliland

Maqaalkan waxaa wakhti hore lagu daabacey;

Halista COVID- 19 - gobanimonews.com 

Halista COVID -19 - Oodweynenew.com


Post a Comment

0 Comments